Wararka laga helayo degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ee Jubbaland ayaa sheegaya In horjoogayaasha kooxda Al shabaab ee ka aramiya magaalada Baardheere ay lacago sharci darra ah ku soo rogeen dadka ku nool degmada Baardheere .
Maleeshiyaadka Al shabaab ayaa guddi u magacaabay arrunrinta lacagahaan sharci darra ah ee dadka Baardheere la qaadayo.
Goobjooge ku sugan Magaalada Baardheere oo la hadlayey Warbaahinta AGGM ayaa sheegay in lacagta lagu amray in dadka Baardheere ay bixiyaan ay gaareyso ilaa 60 kun oo Dolar.
Dadka ku nool Baardheere oo lagu qiyaaso inay gaarayaan ilaa 12 kun oo qoys ayaa waxaa qoyskiiba lagu amray inay bixiyaan lacag dhan 150kun oo Sh.so, taasoo aysan dadku awoodin inay bixiyaan.
Wararku waxaa ayaa intaasi ku darayaan in maalinimadii shaley in odoyaasha degmada Baardheere lagu wargeliyey in lacagahaasi aruurintooda ay bilaaban doonto maalinimada sabtida ah ee soo socota iyagoo odoyaashana lagu wargeliyey in ay u hogaansamaan Amarkooda.
Odayaasha ayaa sheegay in Maleeshiyaadka Al shabaab ay doonayaan in danahooda gaarka ah ay ku fushadaan lacagahaan ay ka qaadayaan dadka deegaanka Baardheere.
Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media