Ciidamada amaanka Dowlada Kenya ayaa qabtay Sargaal la sheegay inuu kamid ahaa Al-shabaabkii weerarka ka geystay Deegaanka Lamu.
Sargaalkaani la qabtay ayaa xiligaasi saarnaa gaari rakaab ah waxa uuna qabashadiisa kadib qiray inuu kamid ahaa Al-shabaabkii weeraray Deegaanka Lamu gaar ahaan Hogaamiyayaashii Dagaalyahaanida weerarka qaaday.
Ninkan oo cabsi badan indhihiisa ka muuqato ayaa magaciisa lagu sheegay Bashiir Mursal Maxamuud waxaana la sheegay inuu ku dhashay magaalada Wajeer kuna biiray Alshabaab sadax sano ka hor.
Wareysi ay Ciidamada Booliska la yeesheen ruuxaasi ayuu ku sheegay in raggi kula jiray dagaalka deegaanka Lamu ay isugu jireen ajaanib iyo Soomaali walina ay ku sugan yihiin gudaha Kenya.
Inta badan Deegaanka Lamu ayaa waxaa ka dhaca dagaal soo laalabta kaasi oo ay Maleeshiyada Al-shabaab ula gol leedahay qalqal galinta amaanka Kenya.