Wakiilka gaarka ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii maanta Muqdisho lagula eegtay, kolonyo gaadiid oo ay saarnaayeen saraakiil ka tirsan Isutaga Imaaraadka Carabta, kaasi oo ay mas’uuliyidooda ay sheegteen argagixisada Al-Shabaab.
“Waxaan cambaareynayaa weerarkii maanta ee lagula eegtay dad rayid ah iyo saraakiil kale oo u taagnaa in ay gacan ka geystaan xasiloonida dalka iyo taageero ay u siinayaan dowladda Soomaaliya, ujeedka weerarku waxa uu yahay in la baqdin geliyo beesha caalamka ee taageerada siineysa dowladda, weeraradan argagixiso ma noqon doonaan kuwa baqdin geliya taageerada beesha caalamka ee Soomaaliya” ayuu yiri Mr Key.
Nicholas Kay, ayaa ehelada iyo saaxiibada uga tacsiyadeeyay dadkii weerarkaasi ku dhintay, isagoo caafimaad u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay.
Key ayaa xusay in Qaramada Midoobay ay sii joogteyn doonto taageerada ay siineyso Soomaaliya, si loo soo celiyo amniga iyo xasilooida gobolka oo dhan.