Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Sade Ayaa ku howlan hirgalinta maamul ay yeeshaan dadka daga waqooyiga gobolka Galgaduud, sida ay Noo Xaqiijiyeen qaar kamid ah waxgaradku.
Nabadoon Yuusuf Shire ayaa All-Galgaduud Media U sheegay in waxgaradka ay kulama joogta ah oga socdaan dagmadda Cabudwaaq kuwaas oo looga arinsanayo dhismaha maamul loo sameeyo dagmooyinka Cabudwaaq, Balanballe, Bangelle, Dhabad, iyo Deegaano kale oo ay dagto beesha
sade.
Wuxuu Sheegay in Maamulka Ay Dhisan doonaan Uusan saameyn doonin maamulo iyo dad kale Cidna, diyaarna Ay uyihiin cid kasta oo ka qeyb qaadanaysa Dhismaha maamulkaasi cusub.
Sidoo Kale Nabadoonka ayaa Ka waramay howlo dib uheshiisiin oo ay ka dhexwadeen beelo dad isaga dilay gudaha cabudwaaq kuwaas oo uu sheegay in qaarkood la xaliyay kuwa kalana wali lagu howlanyahay.
Goordhow Fillo Wareysi: