Ciidamada Mareykanka ee Africa ku suggan ayaa saldhig weyn ka sameystay gudaha Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo gaar ahaana meel ka yara durugsan halka ay degan yihiin Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.
Dhismaha Saldhigaan ee Ciidamada Mareykanka ee Kismaayo ayaa soo bilowday dhamaadkii sanadkii hore ee 2014, waxaana Garoonka diyaaradaha Kismaayo ku suggan ilaa 200 oo askari Mareykan ah kuwaasoo isugu jira Sirdoon iyo Militari.
Xog hoose oo aan ka helnay masuulyiinta Garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa tibaaxeysa in saldhigaan ay Ciidamada Mareykanka u adeegsan doonaan arrimaha sirdoonka iyo fulinta duqeymaha ay Diyaaradaha Mareykanku ku bar tilmaameysanayaa xooggaga argagixisada Soomaaliya.
Ciidamada Mareykanka ee ku suggan Garoonka Diyaaradaa Kismaayo ayaa isticmaala baabuur qafilan oo u eg kuwa ay isticmaalaan Ciidamada AMISOM, waxaana baabuurta Ciidamada Mareykanka lagu arka iyagoo dhex maraya gudaha magaalada ilaa iyo dekadda weyn ee magaalada Kismaayo halkaasoo ay alaabta kala soo degaan.
Diyaaradaha ay adeegsadaan Ciidamadaan Mareykanka ah ayaa ka soo dega garoonka diyaaradaha Kismaayo xiliyada habeenkii, waxaana guuxa diyaaradahaan laga maqlaa gudaha magaalada.
Wariye Khadar Maxamuud Xareed oo ku suggan magaalada Kismaayo ayaa ku soo waramaya in Ciidamada Mareykanka ee ku suggan Garoonka Kismaayo ay mararka qaar dab rid ku sameeyeen meel aan sidaasi uga fogeyn garoonka Diyaaradaha iyagoo adeegsanaya qoryaha daran dooriga u dhaca.
Sadex maalmood ka hor waxaa dhacday in Kolonyo baabuur ah oo ay wateen Ciidamadaan Mareykanka oo ku sii jeeday Dekadda Kismaayo markii ay soo dhaafeen Kontaroolka Baar-caleen ee magaalada laga soo galo inay cilad ku timid mid kamid ah baabuurtii ay wateen Ciidamadaan, waxaana la arkayay Kolanyada oo is taagtay iyo Ciidamada oo ilaalo isweer ah ka qabtay kolanyadii ay wateen.
Wargeyska The Standard ee ka soo baxa magaalada Nairobi ayaa dhowaan qoray war bixin ka hadleysa in Mareykanku uu sii kordhinayo saldhig weyn oo uu ka sameystay magaalada Kismaayo.
Horjoogeyaasha maleeshiyada Axmed Madoobe oo aan wax ka weydiinay arrintaan ayaa ka gaabsaday inay faah faahiyaan ujeedada waxyaabaha ay qabanayaan Ciidamada Mareykanka ee saldhiga ka sameystay magaalada Kismaayo.