Waxaa maanta Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud lagu qabtay kulan lagu taageerayay Gogosha Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca ay ka fidisay Magaalada Dhuusamareeb.
Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca iyadoo qeybaha kala duwan ee ka soo qeyb galay kulanka ay tilmaameen in ay soo dhaweynayaan gogosha Ahlusunna ay ka fidisay Magaalada Dhuusamareeb.
Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca ayaa sheegay in Maamul ay u sameynayaan Gobollada dhexe xilli Magaalada Cadaado uu ka soconayo shir Maamul loogu sameynayo Gobollada Mudug iyo Galgaduud.