Xoogaga Al Shabaab, ayaa waxay gelinkii dambe ee Shalay ay xukun qisaas ah ay ku fuliyeen nin dhalinyaro ahaa, kaasoo ay ku eedeeyen inuu ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Somaliya ee Gobolka Baay.
Xukunka qisaasta, ayaa ka dhacay deegaanka Labaatan Jirow ee duleedka Magaalada Baydhabo, iyadoo ay Fagaaraha Labaatan Jirow isugu soo baxeen boqolaal ka mid ihi dadka deegaanka.
Xoogaga Al Shabaab oo inta saf la geliyay, ayaa waxay meel wax yar ka fog ka toogteen Muxudiin Macalin C/laahi, oo Ururka Al Shabaab ay sheegeen in laga soo qabtay duleedka Magaalada Baydhabo.
Qaadiga Maxkamadda Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu Fagaarahaasi ka sheegay in Muxudiin uu qirtay inuu ka mid ahaa Ciidamada Dowladda, walow aynaan Shabaabku soo bandhigin cadeymo intaa ka badan.
Qaadiga wuxuu ku cago jugleeyay inay beegsan doonaan askari kasta oo ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya, isagoona askarta kaga digay inta goori goor tahay inay isaga taggaan la shaqaynta Dowladda, sida uu yiri.
Culima’udiinka Somaliyeed, ayaa Ururka Al Shabaab waxay ku eedeeyen mid caadeystay daadinta dhiigga shacabka Muslimiinta ee Somaliyeed, iyadoo bishii barakaysneyd Ramadan, lagu jiro tobankeeda hore.