Xilli la soo dhisay Baarlamaanka maamulka loogu magacdaray Galmudug ee ka dhisan gobolada dhexe ayaa waxaa soo baxaya Cabasho iyo cadaalad daro ay tirsanayaan beelaha qaar.
Sida muuqata beelaha qaar ee ka jira gobolada dhexe ayaa cabasho ka muujinaya hanaanka loo soo xulay Baarlamaanka Maamulkaasi.waxayna sheegeen ineysan mid ay ku qanacsan islamarkaana loo maray sharciga.
Waxgaradka qaar oo magaalada Cadaado kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay ineysa tirsanayaan in xuquuqdii ay ku lahaayeen maamulka la dhisayo ay maqan tahay.
Waxgaradka ayaa cambaareeyay habka loo soo xulay Baarlamaanka iyo waliba sida lagu wado dhismaha maamulka ee ka socota magaalada Cadaado.
Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa tagaeertay dhismaha Baarlamaanka maamulka Galmudug.