Magaalada Muqdisho ayaa waxa laga dareemayaa qaban qaabada Todobaadka Xuriyada oo ka bilaabaneyso Maalinta Berito ah ee ah 26Juun.
Wadooyinka Waa weyn ee Magaaladsa Muqdisho ayaa waxa lagu xardhay Calanka Soomaaliya iyo Boorar Muujinaya qiimaha uu leeyahay Xuska Maamlmaha Xuriyada.
Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay meel wanaagsan marayaan qaban qaabada Xuska Maalmaha Xuriyada isla markaana ay u diyaar garoobeen.
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya ahna gudoomiyaha gudiga qaban qaabada Xuska Todobaadka Xuriyada oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay aad ugu diyaar garoowday Xuska Todobaadka Xuriyada.
26-Juun oo Maalinimada berito ah ku beegan ayaa ah Maalintii Gobolada Waqooyi ay ka xuroobeen Gumeysigii Ingiriiska isla Gayiga Soomaaliya laga taago Calan Qurux badan.
Sidoo kale 27 Juun ayaa iyana ah Maalintii Dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti uu ka xuroobay Gumeysiga.
Dhanka kale waxa soconaya qaban qaabada Xuska maalinta 1-Luulyo oo ah Maalinti ay Xurnimada qaateen Gobolada Koonfureed iyo Israacii labada Gobol Waqooyi iyo Koonfur.