Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa xilligan dooneysaa inay maamusho deeqaha ay ka hesho Midowga Yurub.
Waxaa jira dhaqaalo badan oo Midowga Yurub ugu deeqdo Soomaaliya,kuwaasi oo Dowlada go’aan iyo talo aysan ku lahayn halka lagu bixinayo iyo sida loo isticmaalayo.
Hayeeshee,Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa hada dooneyso inay qorshahaasi badasho talana ay ku yeelato lacagaha Midowga Yurub ay ugu deeqaan Soomaaliya.
Wasiirka Qorsheynta xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ceynte oo arintaan ka hadlayay ayaa sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay bilowday inay la soo wareegto Lacagta ay siiyaan Midowga reer Yurub.
Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in deeq bixiyaasha caalamka aanay u bixin balan qaadyada Soomaaliya sidii loogu talagalay.
Home Wararka Maanta DHAGEYSO:- Dowlada Soomaaliya oo doonaysa inay maamusho deeqaha ay ka hesho midowga...