Top News: Dhacdo Ka Yaabisay Ganacsato Badan Oo Ka Dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde

0

Wararka ka imaanaya Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in mid kamid ah Eeyaha baaritaanada ku sameeya qaadka kasoo dega garoonka uu ka yaabsaday Ganacsatada qaadka usoo dega.

Eeyga oo kamid ahaa Ciidamada AMISOM gaar ahaan baarayaasha ku taqasusay Muqaadaraadka ayaa waxa uu sabab u noqday inuu hakat galo xiligii garoonka laga soo saari jiray Jaadka kadib markii uu hurday xiligii la soo dajinaayay Qaadka.

Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada Ugandha ee ka howlgala Garoonka Aadan Cadde ayaa ka biya diiday in Eeyga uu kasoo kiciyo hurdada kadib markii uu sheegay inay ku adagtahay islamarkaana uusan amar u qabin inuu toosiyo Eeyga oo jiifa.

Waxa uu sheegay in darajo ahaan uu ka sareeyo Eeyga oo ah Laba Xidigle, halka isagana uu ka ahaa Hal xidigle.

Waxa uu sheegay inaan munaasab aheyn in la toosiyo Eeyga isaga oo hurdaayo, kadib markii uu sabab uga dhigay hadii la toosiyo inuusan awoodi Karin inuu sheego daroogada qaadka.

Eeyga ayaa suuragaliyay in muddo Seddex saac ah uu dib u dhigo xiligii uu magaalada soo gali lahaa qaadka, isaga oo hurdo galay xiligii uu qaadka soo dagaayay.

Sidoo kale, Eeygaasi ayaa u tababaran barista muqaadaraadka, waxa ayna Saraakiishu sheegen in dhanka Wasaarada Gaashandhiga Ugandha uga diiwan gishan yahay Laba xidigle.

Arrintaasi ayaa waxa ay la yaab ku noqotay Ganacsatada qaadka usoo dageysay kadib markii ay aamini waayen in dhowr saac uu ganacsigooda hakat u galo Eey hurdaayo awgiis.