Musharraxa Madaxweeyne ee Doowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdisalaam ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay sida ugu dhaqsaha badan shirka uga soo qeyb-geliso Ahlu Sunna Waljamaaca.
Musharax Axmed ayaa sheegay in Ahlu Sunna Waljamaaca halgan adag ay u soo gashay xorreynta iyo mideeynta shacabka Goboladda dhexe isla-markaanna aysan habooneyn in Dowladda federaalka ka gaabiso fulinta heshiisyadii Ahlu Sunna Wal-jamaaca.
“Suurto-gal maaha inaan iska indho-tirno halganka Ahlu Sunna iyo muhiimadda ay u leeyihiin in maamul rasmi ah uu ka hana qaado Goboladda dhexe, Dowladda Federaalka waxaan uga digayaa in Ahlu-Sunna la’aanteed shirkaan Cadaado uu sii socdo, waa in laga soo qeyb geliyaa, waan hubaa in dhankooda diyaar u yihiin heshiiska” ayuu yiri Musharax Axmed Cabdisalaam.
Ugu dambeeyntii Musharrax Axmed Cabdisalaam ayaa u hambalyeeyey Baarlmaanka cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo shalay fadhigoodii ugu horreeyey ku yeeshay degmadda Cadaado.