Muqdisho(AGGM) Waxaa hadda degmada Hodan ka dhacay qarax Ismaadiin ah oo culus kaasi oo la aaminsan yahay inuu yahay gaari waxlaha laha soo buuxiyey,waxaana qaraxaasi la sheegaya in lagu bartimaameedsadey kolonyo gaadiid ah oo ay wateen saraakil ka tirsan dawlada federaalka ee Soomaaliya iyo Ajaaniib cadaan ahi.
Ciidamada dawladda ee ilaalada ka hayey halkaasi ayaa la sheegayaa inay rasaas tiro badan ridayeen iyadoon aan la xaqiijin wali khasaaraha halkaasi ka dhashay,waxaana la aaminsan yahay in khasaare nafeed qaraxaasi sababay walow aan la hubin inta uu leeg yahay.
Sidoo kale waxaa hadda qarax bam gacmeed lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa dawlada federaalka ah ee Soomaaliya kuwaasi oo ku sugnaa Isgoyska hawlwadaag,waxaana ciidamadu sidoo kale ridayaan rasaas culus iyagoo ku daba jooga dadkii weerarkasi ka dambeyey.
Wararka ka soo kordha weeraradaasi kala soco Allgalgaduud