Top News: Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Oo Maanta Ka Doodaya Dhaqaalo Xumada Soo Wajaday Dowladda.

0

Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, ayaa maanta oo Arbaco ah waxa ay ka doodayaan dhaqaalo xumida ka jirta dalka Somalia, xilli lixdii bilood ee lasoo dhaafay ay jirtay xaalad dhaqaale oo aad u cakiran.

Kulan ay maanta Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ay isugu imaanayaan Golaha shacabka ayaa looga hadlayaa arinta ku saabsan dhaqaalo xumida ka jirt dalka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo Baarlamaanka Somalia ka tirsan, ayaa sheegay in dooda ku saabsan Dhaqaalo darida dalka ka jirta Xildhibaanada ay aad u gorfeyn doonaan.

“Maanta waxa jira kulanka baarlamaanka, ajandaha waa dood furan waxaase looga hadli doonaa xaaladda dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalka, sida aad ka warqabtaan kulankii 13aad ee isla kalfadhigan qabsoomay 21-kii Juun sanadka 2015-ka, waxaa ka mid ah ajandahiisa dood furan oo ku saabsan xaaladda dhaqaale ee dalka, sidaa darteed ma suurta gelin in arrintaasi si qoto dheer looga hadlo” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.

Shaqaalaha Dowladda ayaanan wax mushaar ah qaadan afartii bilood ee lasoo dhaafay, waxaana Magaalada Muqdisho ka jirta Busaarad weyn oo dhanka lacag la’aanta ah.