Dhimashada ayaa la sheegayaa inay mareyso ilaa 12-ruux oo shacab iyo ciidamo ilaalo u ahaa Safiirka Imaaraadka Carabta isugu jira, kadib weerarka Ismiidaaminta ee lagu qaaday.
Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaan, waxaana Al Shabaab ay sheegeen in ay la eegteen Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya dalka Somalia.
Abuu Muscab Afhayeenka howlgalada Al Shabaab ayaa u sheegay Al-Jazeera inay waxyeelo kala ismiidaamintaasi ay ku gaarsiiyeen Saraakiisha Imaaraadka Carabta.
Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray Saraakiisha Imaaraadka Carabta ee maanta weerarkaan Ismiidaaminta Shabaabka ay la beegsadeen.
Saraakiisha Dowladda Federaalka Somalia ee goobta qaraxa uu ka dhacay gaar ayaa sheegay in jawiga uu degan yahay, dadka dhaawaca ahna loo qaaday goobaha caafimaadka.