Iyadoo shalay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud lagu dhaariyay Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug, ayaa Xildhibaanadaasi waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha ay dooran doonaan aysan ku xulan doonin lacag.
Xildhibaan Maxamuud Aadan oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in si wanaagsan ay uga fiirsan doonaan Madaxweynaha ay dooran doonaan, maadaama la doonaayo mid hogaamin kara dadka Gobolada Dhexe.
Wuxuu sheegay in Madaxweynaha aysan u fiirin doonin dhaqaalo, balse si daacadnimo ah ay ku soo dooran doonaan.
“Anaga waxaan dhageysan doonnaa musharaxiinta khudbadahooda, mas’uul walba waxa uu soo bandhigi doonaa afkaartiisa, cidii aan u aragno in ay wax qabanayso ayaan u codeyn donna.” Ayuu yiri Xildhibaanka.
Musharaxiin kala duwan ayaa ku sugan Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud oo qaarkood dhaqaalo badan la wareegaya si ay u helaan codadka Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug.
Afarta Bisha soo socota ayaa lagu wadaa in Magaalada Cadaado ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe.
Xildhibaanada loo dhaariyay Maamulka gobolada Dhexe ayaa gaaraya 60 Xildhibaan, balse weli waxaa dhiman Xildhibaano kale.