TOOS U DHAGEYSO:- Xawaaladaha Soomaalida ee dalka Kenya oo maanta lagu wado in ay shaqa bilaabaan

0

Xawaaladaha Soomaalida ee dalka Kenya ayaa Maanta oo ay taariikhdu tahay 23-06-2015 si rasmi ah u shaqo bilaabi doono,ka dib markii ay dowlada Kenya qaaday xayiraadii saarneed inka badan mudo labo bilood ah.

Gudiga ay ku mideysan yihiin xawaaladaha soomaalida ee dalka Kenya oo Xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa dadka soomaaliyeed u cadeeyay in dowlada Kenya ay qaaday xayiraadii saarneed xawaaladaha soomaalida oo ay si rasmi ah u shaqo bilaabeen,islamarkaana ay adeeg gaarsiin doonaan dadka u baahan.

C/Xakiim Axmed Xaashi oo ku hadlayay magaca gudiga xawaaladaha soomaalida ee dalka Kenya ayaa sheegay in dowlada Kenya ay wax danbi ah ku waysay xawaaladaha Soomaalida,ka dibna ay u soo celisay ruqsadii ay ku shaqeyn lahaayeen.

C/Xakiim Axmed Xaashi ayaa u sheegay dadka soomaaliyeed meel kasta oo ay ka joogaan caalamka in wixii ka danbeyo bari lacagaha u soo diri karaan eheladooda joogo dalka Kenya.

C/xakiim ayaa u mahad celiyay 34-xildhibaan ee soomaalida ah ee ku jira baarlamaanka Kenya,kuwaasi oo uu sheegay in ay dadaal dheer ku bixiyeen sidii dib loogu furi lahaa xawaaladaha Soomaalida,isagoo sidoo kale u mahad celiyay dowlada Soomaaliya.

C/xakiim Axmed Xaashi ayaa sheegay in guddi dhanka ammaanka ah oo ka tirsan dowlada Kenya uu ka fariistay arrimaha xawaaladaha,ka dibna uu wax danbi ah ku waayay,isagoo gudigaasi Bangiga dhexe ee dowlada ku amray in xawaaladaha dib loo siiyo waraaqahooda ruqsada si ay u shaqo bilaabaan.

Dowlada Kenya ayaa 7-dii bashii April ee sanadkan xirtay ilaa 13 xawaaladood oo ka howl gali jiray dalka Kenya,iyadoo ku eedeeysay in ay dhaqaale siiyaan kooxaha argagixisada ah.

8 1 2 3 4 5 6 7