Xilli Ururka Al Shabaab ay ku dhawaaqeen inay kordhiyeen weerarada iyo Bartilmaameedka ay ku hayaan xubnaha ka tirsan Dowladda Federaalka Somalia ayaa qaar ka mid ah culimadda Somaliyeed waxa ay ku baaqayaan Shabaab inay joojiyaan dilalka ay wadaan.
Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culimadda Somaliyeed ayaa sheegaya in Bisha Ramadaan ay tahay bil cibaado, balse aysan aheyn bil dagaal iyo dilal la geysto.
Wuxuu sheegay Sheekh Cali Wajiis in dalka Somalia ay ka jirto dowlad ku dhaqanta shareecada Islaamka, wuxuuna isweydiiyay dadka la dilaayo iyo sababta loo beegsado.
Waxa uu Sheekhu sheegay in kuwa dagaalka hurinaya sida Alshabaab ay hareer marsan yihiin shareecada Islaamka, ayna doodoodu tahay mid khaldan.
Dhalinyarada ka tirsan Ururka Al Shabaab ee fikradaha qaldan laga dhaadhiciyay ayuu Sheekha ugu baaqay inay kasoo laabtaan Ururka Al Shabaab ayna qayb ka noqdaan Bulshadooda nabadda iyo wanaaga jecel.
Madaxii hore ee Sirdoonka Al Shabaab Sakariye Ismaaciil Xersi, ayaa sheegay sababta Shabaabka ay u kordhiyaan weerarada Bisha Ramadaan inay tahay in dhalinyarada lagu dhiiragelinaayo Bishaas oo dagaalka la kordhiyaa in la helaayo cibaado badan.
Bisha Ramadaan oo maanta maraysa 5 Shabaab waxa ay fuliyeen dilal qorsheysan iyo weeraro ay ku qaadeen xarumo ciidan oo Muqdisho ku yaallo.