Guddoomiyaha baarlammaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa lagu wadaa inuu gaaro magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.
Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in guddoomiye Jawaari uu Cadaado uga qayb galayo dhaarinta xildhibaannada baarlammaanka maamulka loo dhisayo goboladda Mudug iyo Galgaduud.
Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado-na waxay sheegayaan inay magaalada ka socoto qabanqaabada soo dhaweynta guddoomiye Jawaari.
Guddiga farsamada maamul u samaynta gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa soo bandhigay magacyada xubnaha baarlammaanka maamulka la dhisayo, kuwaas oo haddii loo dhaariyo xilka dooranaya madaxweynaha maamulka.
Madaxweynaha maamulka cusub ayaa isaguna soo dhisi doona wasiirrada maamulkaas.