Top News: Kooxda Xagjirka Ah Ee Taliban Oo Weerar Ku Qaaday Xarunta Baarlamaanka Afghanistan.

0

Kooxda Xagjirka ah ee Taliban ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar goor dhoweyd lagu qaaday Xarunta Baarlamaanka Afghanistan ee magaalada Kabul, iyadoo dhowr qarax la maqlay.

Kooxo naftood hurayaal ah ayaa weeraray banaanka hore ee xarunta Baarlamaanka Afghanistan, xilligaasoo ay shir ku lahaayeen Xildhibaanada Baarlamaanka.

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray meel ku dhow dhismaha Xarunta Baarlamaanka, waxaana kadib bilaabatay rasaas culus oo wali la maqayay.

Dhowr gawaari ayaa ku gubanayay banaanka hore ee xarunta Baarlamaanka Afghanistan, waxaana dhismaha dushiisa ka baxayay qiic iyo uuro, oo gebi ahaanba qarisay xarunta Baarlamaanka.

Tiro dagaalyahano ka tirsan Taliban ayaa qaraxa kadib, iyagoo ordaya dhismaha Baarlamaanka u dhaqaaqay, si ay gudaha ugu galeen, kadibna waxaa bilowday is rasaaseyn xoogan.

Xildhibaanada Baarlamaanka Afghanistan ayaa si deg deg ah looga saaray dhismaha, waxaana xilliga qaraxyada ay bilaabanayeen si toos ah looga daawanayay Telefishinada.

Baarlamaanka Afghanistan ayaa maanta u madlanaa inuu ansixiyo Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga Afghanistan, waxaana weerarka uu dhacay, xilligii Wasiirka uu gacan qaadayay Xildhibaanada.

Idaacad maxali ah ayaa sheegtay in la maqlay ilaa lix qarax oo kale oo dhismaha Baarlamaanka gudihiis ka dhacday, waxaana la sheegay in xarunta Baarlamaanka Afghanistan ay aheyd mid haawaneysa.

Kooxda Taliban ayaa durba sheegatay weerarkan hadda socday, waxaana Taliban maalmihii u dambeeyay kordhisay weerarada ka dhanka ah dowladda Afghanistan, iyadoo qabsaday degmooyin muhiim ah