Hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka ee Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in howlgal gaar ah oo ciidankeeda ay ka fuliyeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
NISA ayaa sheegtay in howlgalka oo lala beegsaday goob ay ka socotay shir ay lahaayeen madaxda Al-Shabaab lagu dilay Yuusuf Xaaji, iyadoo khasaaro kale lagu gaarsiiyey kooxda.
Qoraal la soo dhigay bogga Twitter-ka ee hay’adda ayaa lagu xusay in weerarka oo loo adeegsaday bambaanooyin uu jawaab u ahaa weerarkii ay shalay Al-Shabaab ka geysatay magaalada Muqdisho.
Afhayeenka wasaaradda amniga qaranka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa u sheegay idaacadda dowladda in ciidankii howlgalka fuliyey ay si nabad ah ugu soo laabteen saldhigyadooda.
Baardheere ayaa kamid ah xarumaha ugu waa weyn ee ku jira gacanta maleeshiyada Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa noqonayo kii ugu horreeyey oo noociisa ah oo meel ka baxsan deegaannada dowladdu gacan ka heyso ay ka fuliyaan sirdoonka Soomaaliya.