Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Ismiidaamin iyo israsaaseyn saaka Al Shabaab ay ku qaadeen Iskuulkii hore ee Degmada Shibis, hadana ah xarun lagu tababaro ciidamada Nabad Suggida Somalia.
Iskuulkii hore ee Degmada Shibis, wuxuu ku yaalla agagaarka Madxafka, wuxuuna ku dhaw yahay Xarunta Habar Khadiijo oo ah Taliska Nabad Suggida Somalia, waa xarun amnigeeda si weyn loo ilaaliyo.
Weerarka Shabaabka ayaa ku biloowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu qarxiyay afaafka hore ee Iskuulkaan, kadibna waxaa xigay israsaaseyn dhexmartay ciidamada Nabad Suggida ee xeradaan ilaalada ka ahaa iyo raggii hubeysnaa.
Ciidamada ammaanka ayaa u suuragashay inay toogtaan labo nin oo la sheegay inay ahaayeen kuwii la dagaalamayay ciidamada Nabad Suggida ee xaruntaan ilaalada ka haayay, iyadoo aysan u suuragalin in gudaha si toos ah ugu dhaadhacaan ragga hubaysan.
Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan oo siyaabo kala duwan ula hadlay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in weerarkaasi la fashiliyay oo ciidamada ay ka hortageen.
Wuxuu Maxamed Yuusuf dafiray in goobta la weeraray ay tahay goob lagu tababaro ciidamada Nabad Suggida Somalia, taasi bedelkeeda wuxuu ku sheegay inay tahay Iskuul hoose Dhexe iyo Sare oo arday ay wax ku bartaan.
Weerarkaan oo lasoo afjaray ayaa goobta waxaa hada ku sugan Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Somalia, iyadoo lagu wado in Saxaafadda loo soo bandhigo meydadka raggaan hubaysan ee ciidamada ay saaka toogteen.
Waa weerarkii ugu horeeyay ee Kooxda Shabaab ay ka fuliso Magaalada Muqdisho, xilli Bisha Barakeysan ee Ramadaan maanta ay tahay maalintii Afaraad ee lasoomay.