TOP NEWS:- Maamulka Khaatuma oo gubay Taawarada Shirkadaha Telecom iyo Somtel+Sawiro

0

Maamulka Khaatumo ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen weerar habeennimadii xalay lala beegsaday xarumo is-gaarsiineed oo ku yaala duleedka Magaalada Horu-fadhi oo Waqooyi-galbeed ka xigta Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Khaatumo Axmed Gacma-yare ayaa sheegay inay iyagu ka Dambeeyeen Gubidda Taawarro ay lahaayeen Shirkadaha Is-gaarsiinta Telesom iyo Somtel,

Wasiirka waxa uu sidoo kale sheegay in tallaabadan ay qaadeen kaddib markii ay Shirkadahaani iska dhego-tireen amar ay bixiyeen Maamulka Khaatumo.

1 2