TOP NEWS:- Korneyl Cukaash oo dib u helay Xuriyadiisa ka dib markii ay xirtay Dowlada Soomaaliya

0

Korneyl Cukaash oo kamid ah saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa maanta xuriyadiisa dib u helay muddo sideed bilood Taliska Ciidamada Xooga Dalka ee Dowlada Soomaaliya.

Korneyl Cukaash ayaa maanta xabsiga laga sii daayay, waxaana muddooyinkaan uu ku xirnaa xabsiga dhexe ee Xamar.

Waxaa korneylka loo heystay gabay uu ka tiriyay dhibaatada heysata ciidamada militariga dowlada Soomaaliya.

Golaha abwaanada Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay sii deynta Korneyl Cukaash oo muddo sideed bilood ah ku xirnaa magaalada Muqdisho gaar ahaan Xabsiga Dhexe ee Xamar.