TOOS U DHAGEYSO:- Cabdi Qeybdiid oo ka jawaabay tallaabada Puntland ay ku diiday Dastuurka Maamulka G/Dhexe

0

General Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), ayaa difaacay Dastuurka cusub ee loo sameeyay Maamulka Gobolada Dhexe (Galmudug), isagoona dhanka kale ku baaqay in Puntland iyo Galmudug ka heshiiyan xuduuda labada dhinac.

Puntland, ayaa si xoogan kaga hortimid Dastuurka Maamulka Galmudug oo ku xusan in Gobolada Galgaduud iyo Mudug ay hoos imanayaan, xilli Waqooyiga Gobolka Mudug ay si buuxdo kaga arrimiso Puntland.

General Cabdi Xasan Cawaale, ayaa sheegay Maamulka Gobolada Dhexe inay dhisayaan ergooyin Somaliyeed oo isugu tagey Magaalada Cadaado, ayna ogolaadeen in Dastuur uu Maamulku lee yahay loo sameeyo, isagoona meesha ka saaray in shakhsiyaad gaar ah ay ansaxiyen.

Wuxuu Puntland ku eedeeyay tan iyo markii la meelmariyay jiritaanka Maamulka Galmudug, in reer Puntland iyo Madaxdooduba ay ku hadaaqayen warar uu sheegay ka dhan ah derisnimada labada dhinac, sida uu yiri.

Sidoo kale wuxuu nasiib daro uu ku tilmaamay ereyada ka soo yeeraaya dadka reer Puntland, wuxuuna ku sifeeyay kuwo gef ku ah reer Galmudug.  Ereyadaasi ayuu sheegay inaanay meel ka haysan nidaamka iyo shuruucda dalka u yaala.

Cabdi Qeybdiid, ayaa ka waramay kolka la dhiso Maamulka Gobolada Dhexe, wixii ay Puntland ka tabanayso in markaasi laga wada hadli karo, oo uu kala jeedo inay ka wada munaaqashoon karaan halka xuduuda noqonayso.

General Qeybdiid oo la hadlay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa sheegay inaanay iyagu rabin wax dagaal ah, laakiin haddii Puntland dagaal ka fursan weydo, ay dadka wixii nool iska wareysan doonaan, sida uu yiri.

Halkan Hoose Ka Dhageyso Jawaabta Qaybdiid.