TOP NEWS:- Baarlamaanka Soomaaliya oo Su’aalo Adag weydiiyay Wasiirka Maaliyada Soomaaliya

0

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta kulan ku yeshay xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa Su’aalo la xiriira Dhaqaalaha Dalka, iyo Misaaniyad Sanadeedka weydiiyay Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa Su’aalaha ay weydiiyeen wasiirka Maaliyada Xukuumada Soomaaliya ka mid ah Mushaaraadka Ciidamada, Dhaqaalaha Dalka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Dowlada oo bilihii ugu dambeeyay aanan qaadan Wax Mushaar ah.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti ayaa ka jawaabay Su’aalaha ay weydiiyeen Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay sii socon doonaan Su’aalaha ay Xildhibaanada Weydiinayaan Wasiirada Xukuumada Soomaaliya iyo la xisaabtankoda.