Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho General Xasan Maxamed Xuseen Mungaab ayaa sheegay in maamulka Gobolka banaadir uu ku guuleystay in ay si wadajir ah u shaqeeyaan Ciidamada amaanka Dowlada Soomaaliya iyo Shacabka Gobolka Banaadir si loo xaqiijiyo amaanka Caasimada.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale shacabka Gobolka Banaadir ay diyaar u yihiin ka qeyb qaaadashada sugida amaanka Caasimada Muqdisho isla markaana ay mar welibo la shaqeeyaan Ciidamada amaanka ee Dowlada Soomaaliya.
Hadalkaan ayuu Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ka sheegay Xaflad lagu furiyaayay Aqalka Dowlada Hoose ee Muqdisho oo dib lo howlgeliyay.