TOP NEWS:- Taliyihii Nabad Suggida ee Degmada Afgooye oo Xalay la dilay..

0

Ciidanka Militariga Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa wadada u galay kolonyo uu la socday Taliyihii Hay’adda Nabad Suggida ee Degmada Afgooye, iyagoona dhaawac culus ugu gaystay weerarkaasi jid galka ah.

Liibaan Abuukar Yarow, ayaa habeenimadii xalay dhaawaca ka soo gaaray weerarkaasi ugu geeriyooday Isbitaalka Degmada Afgooye, markii duhurnimadii shalay lagula cararay, si wax looga qabto xaaladiisa caafimadeed.

Kolonyada uu la socday Taliyaha, ayaa waxaa loo galay meel ku dhow deegaanka Muuri. Muuri waxay dhacdaa duleedka Degmada Afgooye. Weerarka Taliyaha lagu qaaday waxaa kaloo lagu dilay askar ka tirsaneyd ilaaladiisa, iyadoo kuwo kalana lagu dhaawacay.

Ilaa iyo hadda si buuxdo looma garanaayo waxa uu salka ku haayo weerarka ka dhanka ah Taliyaha, waxaase tani ku soo beegmaysaa, iyadoo Militarigu ay ka gadoodsan yihiin mushaaraad la’aan.

Ciidamada Militariga ee dilay Liibaan Abuukar, ayaa waxaa la soo sheegayaa inay yihiin, kuwii 2-dii bishaan meel ku dhow Muuri ku weeraray gawaaridii uu la socday Abaan Duulaha Ciidanka Xooga, General C/risaaq Khaliif Cilmi.

Ciidanka Militariga, ayaa xilliyada qaarkood waxay dhac u gaystaan dadka isugu kala goosha wadada xiriirisa Degmooyinka Afgooye iyo Marka.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), ayaa bishii hore ee May qaylo dhaan ka muujiyay jidgooyada ku soo badanaysa Gobolkaasi. Siidii wuxuu Saraakiisha Militariga uu ku eedeeyay inay iyagu u yaallaan jidgooyooyinka.