Wasiirka Wasaarada Amniga gudaha ee Xukuumada Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in qeybaha kala duwan ee ciidamada Dowlada Soomaaliya Heegan la geliyay isla markaana ay ku filan yihin sugida amaanka Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Wasiirku waxa uu sheegay in qeybaha kala duwan ee ciidamada Dowlada Soomaaliya ay diyaar u yihiin xaqiijinta in ay u shaqeeyaan dalkooda, waxa uuna xusay in ay ka feejigan yihin.
Waxa uuna intaasi ku daray in ay koormeeri doonaan shaqada ay hayaan Ciidamada Dowlada oo ay ku koontorooli doonaan shaqadooda.