DHAGEYSO:- Kenya oo xirtay Soomaali badan oo ku dhuumanayay Gaadiid Dhuxul iyo gaas ka buuxay..

0

Ciidamada Booliska Kenya ayaa xiray 32 ruux oo tahriibayaal Soomaali ahaa oo doonayay iney sharci daro ku galaan dalka Kenya, iyaga oo ku safraya gaadiidka shidaalka iyo dhuxusha geeya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Saraakiisha booliska ee dalka Kenya ayaa jimcihii shalay sheegay in dadka la qabtay ay ahaayeen kuwo doonayay iney si sharci daro ah ku galaan dalka Kenya, dadka la qabtayna ay ku jiraan dadkii wax dhoofinayay.

Dadka laga shakiyay ee tahriibayaasha ayaa saarnaa gaari loogu talo galay in lagu safriyo alaabta waxayna booliska sheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan dadkaasi baaritaan loogu sameyn doono maxkamadna lasoo taagi doono.

Gaariga ayaa la sheegay iney saarnaayeen 50 jawaan oo dhuxul ah iyo 47 caagagta gaaska oo maran ama eber ah, dadka ay ku dhuumanayeen gaariga dhexdiisa, waxaana la qabtay xili habeen ah oo ay kusoo dhaceen wadada deegaanka Mwingi oo 170 km u jira magaalada Nairobi.

Sida booliska sheegeen, dadka la qabtay ma aysan aqoonin ku hadalka Swaxili ama English, waxayna tahriibayaasha sheegeen iney dhaqaalo ku bixiyeen in la dhaafiyo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shem Nyamboki oo ah madaxa waaxda dambi baariska deegaanka tahriibayaasha lagu qabtay ayaa sheegay iney halis dadkaasi geliyeen naftooda, maadaama dhuxul iyo caagagta gaaska ay dhexda kaga jireen.