Ciidammada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabnaab ayaa dagaal ayaa lagu waramayaa in uu dagaal culus ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan degmada Dooloow ee gobolka Gedo.
Afhayeenka howl-galada Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid guuleystay, ayna ciidamadooda soo furteen hub fara badan.
Abuu Muscab ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen ilaa 16 askari ka tirsan ciidanka dowladda, ayna muddo la wareegeen deegaanka Geedweyne oo saldhig u ahaa ciidanka dowladda.
Goob -joogayaal ayaa sheegay in ay maqleen rasaas iyo madaafiic la is weydaarsanayay, isla markaana uu jiro khasaare labada dhinac kala gaaray.
Wararka ayaa sheegaya in dhowr jeer dagaalada ay soo noq noqdeen, waxaana deegaanka lagu dagaalamay la sheegay inay wali xiisad ka jirto.
Deegaanka Geedweyne ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka waday ciidamo ka tirsan dowladda, kuwaasoo loo diyaarinayay inay weeraraan degmada Baardheere.