Magaalooyinka Dhuusamareeb, Guriceel iyo deegaanada kale ee Ahlu Sunna ka joogto Gobolka Galgaduud, ayaa Jimcaha maanta waxaa ka bilowday bisha soon qaad, iyadoo Khamiistii shalay aan laga soomin.
Madaxda Ahlu Sunna ayaa iyagu ku andacoonaaya inaanan dhalashada bisha habeenkii Khamiista soo galeysay laga arag dhulka ay ka arrimiyaan, sidaasi daraadeedna ay ku saxsan yihiin in Jimcaha ay soomaan.
Madaxda Ahlu Sunna ayaa dhegaha ka fureystay awaamiir ay soo saartay Wasaaradda Diinta & Awqaafta Dowladda Somaliya, oo iyadu amartay in la soomo Khamiistii shalay, sababo ku aadan billashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo laga arkay Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.
Radiyaha afka Dowladda ku hadla, ayaa baahiyay codadka dad la sheegay inay ku sugan yihiin Magaaladaasi Xudur, iyagoona markaasi xaqiijinaaya inay arkayn dhalashada bisha Ramadaan.
Deegaanada Somalida oo idil, ayaa Khamiistii laga wada soomay, marka laga soo taggo qaybo ka mid ah Gobolka Galgaduud, iyadoo tanina ay marar badan ka dhacday dhulka ay maamusho Ahlu Sunna.