Madaxweynaha Dowladda Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa markale ku celiyay inaanan Ciidanka Difaaca Kenya laga soo saari doonin Koonfurta Somaliya, isagoona carabka ku adkeeyay inay sii jooggi doonaan.
Muddooyinkan dambe waxaa la hadal haayay inay Kenya diyaarinayso qorshe dhameystiran oo Ciidamada Kenya looga soo saaraayo Somaliya, si ay u xoojiyaan ammaanka xuduuda.
Madaxweynaha Kenya ayaa si adag u sheegay in Ciidamada Kenya ay baaqi ku sii ahaan doonaan Gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose, iyagoo taageeraaya qorshaha Dowladda Somaliya ku xasilinayso dalkeeda, sida uu yiri.
Madaxweynaha, ayaa ku waramaaya Ciidamada Kenya inay qayb ka yihiin Xoogaga Midowga Afrika ee Amisom, kuwaa oo sida uu sheegay dagaal kula jira Ururka Al Shabaab.
Uhuru Kenyatta waxa uu hoosta ka xariiqay in dalkiisu uu sii wadi doono dagaalka adag ee uu kula jiro Ururka Al Shabaab. Shabaabka oo si weyn kaga soo horjeeda in Ciidamada Kenya ay jooggaan Somaliya, ayaa weeraro ka gaysta gudaha dalkaasi Kenya.
Uhuru Kenyatta, ayaa hadalkan ka sheegay booqasho uu ugu tagey dhaawacyada askartii ku dhaawacantay, weerarkii Axadii ka dhacay deegaanka Buare oo ka tirsan Degmada Lamu ee Gobolka Xeebta Kenya.
Hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Kenya, ayaa ku soo beegmaaya, xilli Taliska Booliska Kenya ay ku dhawaaqeen in bishan Ramadaan uu weeraro waaweyn kaga soo wajahan yahay Al Shabaab