Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicklos Key oo magaalada Kismaayo kula kulmay Hogaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Max’ed Islaam Axmed ayaa wuxuu sheegay in Sheikh Axmed ay ka wada hadleen arimo badan oo ku saabsan xaalada haatan ka jirta Jubbooyinka iyo waliba hiigsiga 2016-ka.
Ugu horeyn Nicklos Key ayaa sheegay in waxyaabaha ugu muhiimsan ee Axmed Madoobe ay iska arkeen ay tahay horumarka uu gaaray maamulka Juba, su’aasha taagan ee la xiriirta baarlamaanka Jubaland iyo shir lagu wado in dhamaadka Bisha Julay ka dhaco magaalada Muqdisho oo la isugu kayni doono madaxda mamaul goboleedyada iyo beesha caalamka oo looga arinsan doono hiigsiga 2016 iyo doorashada.
“Waxaan ka wada hadalnay arimo ku saabsan horumarka uu gaaray maamulka Juba, su’aasha taagan ee la xiriirta baarlamaanka Jubaland iyo shir lagu wado in dhamaadka Bisha Julay ka dhaco magaalada Muqdisho oo la isugu kayni doono madaxda mamaul goboleedyada iyo saaxiibada caalamka oo looga arinsan doono hiigsiga 2016 iyo doorashada.”ayuu yiri Nicklos Key.
Sidoo kale, Mr Key ayaa Yiri” Waxaan ku faraxsanahay inaan maqlo in Sheekh Axmed diyaar uyahay inuu la shaqeeyo gudiga Raysulwasaaraha si looga wada hadlo caqabadaha jira waxaana ku raja weynahay in arinta xal laga gaari doono,’’ ayuu yidhi Nicholas Kay.
Wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicklos Key iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba.
Waxaa jira khilaaf u dhaxeeya maamulka Jubba iyo Dowlada dhexe,kaasi oo ku saleysan mooshin dhawaan ay meel mariyeen xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya,kaasi oo ku aadan in dhismaha Baarlamaanka maamulka Jubba uusan ahayn mid sharci ah.