Xukuumada Washintong ayaa shaacisay inay dhaqaalo ku bixineyso dagaalka ka dhanka ah Kooxaha xiriirka la leh Al-Qaa’ida ee ka dagaalama Qaaarada Africa sida Soomaaliya iyo Nigeria.
Mareynkanka ayaa sheegay in $5 Million, uu ku bixinayo dagaalka ka dhanka Kooxda Boko Haram ee ka jirta dalka Nigeria.
Kaaliyaha xoghayaha arimaha dibada ee Mareynkanka arimaha Africa Linda Thomas-Greenfield, oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Johannesburg, ee dalka Koonfur Africa ayaa xustay in Mareynkanka uu ku taageerayo dhaqaalo dalalka Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Africa ay joogaan,sida Soomaaliya iyo Nigeria.
Laakiin Haweeneydaan ayaa hada si cad u shaacisay in Dowlada Nigeria ay ku taageerayaan $5 million oo wax looga qabanayo dagaalka Boko Haram.
Waxay sheegtay Kaaliyaha xoghayaha arimaha dibada Mareynkanka arimaha Africa Linda Thomas-Greenfield,in si xoog leh u taageerayaan Ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM ee ku sugan Soomaaliya,iyadoo sidoo kale tilmaantay inay tababar iyo qalabeyn u sameyn doonaan Ciidamada wada jirka ah ee AMISOM iyo kuwa Dowlada Soomaaliya.
Sidoo kale, Linda Thomas-Greenfield ayaa sheegtay inay si dhow ula shaqeynayaan Dowlada Federaalka Soomaaliya si looga gun gaaro nabad ka dhalinta gayiga Soomaaliya iyo waliba in mar waliba Mareynkanka uu garab taagan xukuumada iyo Shacabka Soomaaliya.
Ugu danbeyntii, Kaaliyaha xoghayaha arimaha dibada ee Mareynkanka arimaha Africa Linda Thomas-Greenfield,in Xukuumada Washintong gacan ka geysaneyso sugida amniga dalalka Qaarada Africa oo hada Qatar ugu jira sida la sheegay kooxo ay ugu yeereen argagixiso.