TOP NEWS:- Dumarka oo indho shareerka looga dhigayo Wadooyinka Magaalada Muqdisho

0

Ciidamada Booliska Soomaaliya ee lagu soo daadiyay Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa baaritaano ku samaynaaya dadka la socda gaadiidka dadweynaha, iyadoona dumarka laga dhigaayo indho shareerka (Niqaamka).

Ciidamada Booliska ayaa dumarka ku amraaya inay indho shareerka kor isaga qaadaan, si loogu xaqiijiyo inaanu nin ku soo dhex dhuuman iyadoona qayb ka ah qorshaha lagu suggaayo ammaanka Magaalada Muqdisho.

Warar aan la xaqiijin, ayaa sheegaaya in ilaa saddex nin oo wata indho shareerka ay gudaha ugu jiraan Magaalada Muqdisho isla-markaana ay maleygayaan weeraro ay ka fuliyaan Caasimadda.

Suxufiyiinta Magaalada Muqdisho ayaa qaarkood kuu sheegaaya in laamaha ammaanka ay qabaan feejignaan ka dhan ah raggaasi, sidaasi daraadeedna ay u baahdeen in dumarka la baaro.

Taliyaha Hogaanka Canshuuraha Booliska General C/laahi Xasan Bariise ayaa guubaabiyay Ciidamada Booliska ee hawlgalada ka bilaabay Wadooyinka Magaalada Muqdisho.

General Bariise ayaa ku waramaaya inay u diyaar garoobeen ka hortagga weerarada ay qorshaynayaan xubnaha Ururka Al Shabaab ka tirsan, ee ku dhuumaalaysanaaya Magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka jira dareen laga qabo Ururka Al Shabaab, sababo la xiriira iyagoo looga bartay inay weerarada kordhiyaan, kolka la gaaro bisha barakaysan ee Ramadaan.