Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, ayaa maanta waxaa lagu soo bandhigay meydadka ragii weeraray Xarunta Kafaalo ee Magaalada Cadaado oo ciidamada ammaanka ay toogteen.
Raggan ayaa gaaraya afar ruux oo mid ka mid ah uu isqarxiyay, halka saddexda kalena ciidamada ammaanka Goobta ay toogteen, sida ay xaqiisay Wasaarada Amniga Gudaha.
Goob banaan ah oo ku taallo Magaalada Cadaado, kuna dhaw Xarunta kafaalo ayaa lagu soo bandhigay meydadka raggaan maanta weeraray Xarunta Kafaalo ee Ergada Cadaado ay ku xareysan yihiin.
Waa weerarkii ugu horeeyay ee Ismiidaamin iyo israsaaseyn toos ah oo Shabaabka ay ka fuliyaan Magaalada Cadaado, tan iyo markii Magaaladaasi uu ka biloowday shirka Maamul U Sameynta Gobolada Dhexe ee Mudug iyo Galgaduud.