TOOS U DHAGEYSO:- Deegaanada uu ka taliyo Ururka Ahlu Suna oo maanta aan laga Soomin ..

0

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud oo ay gacanta ku hayaan ururka Ahlu suna ayaa maanta laga Soomin,xilli maanta ay ku beegantay maalinta koowaad Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Magaalooyinka aan maanta laga Soomin ee ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka mid ah Gura-ceel,Dhuusa-mareeb iyo Matabaan oo dhamaantood ay gacanta ku hayaan ururka Ahlu suna ee gobolada Dhexe.

Sababta dadka u Soomi waayeen ayaa lagu sheegay inay tahay in Bisha aan laga arkin deegaanadaasi,sidaasina ururka Ahlu suna dadka ugu amreen inaan maanta ahayn maalin Soon,islamarkaana dadka aanay Soomi Karin.

Mas’uuliyiinta Ahlu suna u qaabilsan Garsoorka ayaa u sheegay Shacabka Gura-ceel,Dhuusa-mareeb iyo Matabaan inaa la Soomi Karin,islamarkaana aan wali la arag Bisha Soon si dadka u Soomaan.

Guud ahaan Gayiga Soomaaliya intiisa kale ayaa maanta laga Sooman yahay iyo guud ahaan meel waliba ay ku sugan yihiin Shacabka Muslimiinta marka laga reebo deegaanada Ahlu suna gacanta ay ku hayaan.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqday in maanta ay tahay Kowda Bisha Barakeysan ee Ramadaan,sidaasi dadka ay ku Sooman yihiin.