Qarax xoogan ayaa goor dhow ka dhacay xarunta Kafaalo oo ay degenaayeen Ergooyinka shirka Maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud ee ka socda Cadaado.
Qaraxa ka dib ayaa waxa gudaha Xaruntaasi laga maqlay Rasaas xoogan oo aan la ogeyn cida rideyso.
Sida ay sheegayaan wararka weerarka ayaa ku bilowday qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana kadib bilowday is rasaaseyn.
Xarunta la weeraray ayaa waxaa degenaa ku dhowaad afar boqol oo Ergo ah, oo matalayay beelaha Gobollada Mudug iyo Galgaduud.
Wararka aanu ka heleyno Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in is rasaaseyn wali ka socoto xarunta, walina aanay kala cadeyn khasaaraha rasmiga ee ka dhashay.
Xarunta la Weeraray ayaa waxa Amnigeeda gacanta ku hayaan Ciidamada Itoobiya iyo ciidamada dowladda.
Lama oga qaraxa khasaaraha ka dhashay iyo faah-faahin rasmi ah oo ku saabsan qaraxa.
Magaalada Cadaado shalay waxaa lagu ansixiyay Dastuurka uu yeelanaayo Maamulka Gobolada Dhexe, waxaana ansixiyay Ergada Magaalada Cadaado ku sugan
Wixii ka soo kordha Shabakada Allgalgaduud.com Insha Allah..