Waxaa manta Magaalada Cadaado lagu ansixiyay Dastuurka uu yeelanaayo Maamulka Gobolada dhexe ee Mudug iyo Galgaduud, kadib codka oo ay u qaadeen Ergada Cadaado ku sugan.
Shirka waxaa soo xaadiray Ergo gaaraysa 351 xubnood, waxaana codka si gacan taag ah ugu codeeyay 310 oo ogolaatay in Dastuurka uu yahay mid ansax ah, halka ay diideen 29-ruux, sidoo kalena ay ka aamuseen 12 qof.
Wadarta guud ee Ergada shirka fadhisay ayaa noqonaysa 351 Ergo, sida uu xaqiijiyay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Somalia, Mahad Salaad oo bartiisa Facebook ku soo qoray in Dastuurka la ansixiyay guulna ay tahay.
Wasiir Mahad Salaad ayaa sheegay in laga gudbay wado dhib badneyd oo laga cabsi qabay caqabadeeda, iminka loo gudbaayo wajiga saddexaad oo uu sheegay in laga guda galaayo soo xulista Xildhibaanada iyo doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.
Ergada Ansixisay Dastuurka uu yeelanaayo Maamulka Gobolada Dhexe ayaa soo dhaweeyay in maanta uu soo dhamaaday arimaha Dastuurka, sidaasina uu ku meel maray.
Shirka Cadaado ka socda oo caqabado badan ay ka taagan yihiin, ayaa hada u muuqda mid maraya heer gabo gabo ah oo shaqada Ergada waxa ay ku eeg tahay kaliya soo xulida Xildhibaanada, kolka ay soo xulaan doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa iyo doorashada Madaxweynaha waa shaqo u taalo Xildhibaanada lasoo xulo.
Maalmihii ugu dambeeyay Ergada ayaa ka doodaysay qodobada Dastuurka ku qoran iyaga oo aragtiyo ka dhiibanaayay.