TOP DHAGEYSO:- Maxkamada Muqdisho Oo Maanta Toogatay Askari Horay dil Ugeystay.

0

Waxaa maanta maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa Fulisay xukunu dil kuwasoo lagu ridey Askar ka tirsan ciidamada dowlada soomaliya kuwasoo dil u geystay ciidamada dowlada soomaliya

Maxkamada ayaa ku eedeesay Askartaan in ay ka dambeyeen dilal muqdisho loog geystay qaar kamid ah shacbka  oo magaalada Muqdisho ku nool cadeemo kadib ay ku cadaatay in ay ka dambeyeen dilalkaas

Dhanka kale maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa xabsiga ka sii deysay saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada soomaliya kuwasoo lagu eedeeyay qaraxii ka dhacay Hotel Syl ayna ku dhinteen saraakiil ka tirsan dowlada soomalya iyo dad kale oo ku sugnaa Hotelka xiligaas

Bahda saxaafada  ayaa ku sugneed xarunta maxkadamada  ciidamada qalabka sida oo maanta xukuno dil ah ku fulisay qaar kamid askarta ciidamada dowlada soomaliya sidoo kalana xasbiga ka siii deysay saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada soomaliya

Gashaanla dhexe Xasan cali nuur shuute ayaa ka warbixiyay qaabkey u dhacday maanta Xukunada ay ridey maxkamada ciidamada qalabka iyi sii deynta saraakiisha ka tirsan ciidamada dowlada soomaliya

Halkaan ka dhageyso Xukunada ay maxkamada ay Fulisay maanta