DHAGEYSO:- Maamulka K/galbeed Soomaaliya oo ka hadlay isbadalada gudoomiyaasha maamulkaasi.

0

Afhayeenka maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya C/qaadir Cashar Nadaara  ayaa ka warbixiyay isbadalada mudooyinkii danbe lagu sameynayay gudoomiyaasha degmooyinka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa u sababeeyay isbadalada lagu sameeyay gudoomiyaasha ka dib markii shacabka Koonfur galbeed ay ku eedeeyeen gudoomiyaashaasi inay sameeyeen masuq maasuq iyo wax isdaba marin,sidaasi daraateedna uu yiri inay muhiim tahay in maamulka K/galbeed uu ka hortago masuq-maasuqaasi la sheegay.

Wuxuu xusay C/qaadir Cashar Nadaara in gudoomiyaasha cusub maamulka Koonfur Galbeed uu siiyay mudo Lix bilood ah oo ay isku soo bandhigeen kuna muujiyaan Waxqabadkooda.

Dhawaan ayay ahayd markii xilka laga qaaday gudoomiyaasha degmooyinka Marka iyo Afgooye ka dib markii sida uu sheegay Afhayeenka maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya lagu soo eedeeyay masuq-maasuq iyo wax isdaba marin.