Wararka ka imaanaya Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaa lagu dilay Gacansade Caan ka ah Magaalada.
Dilka ayaa waxaa geeystay Askari ka tirsan Milatariga Soomaaliya,waxaana Wararku ay sheegayaan in Salaadii hore ee Saaka uu Askariga Dilka u geeystay Ganacsadaha.
Taliyaha Booliska Saldhiga Baledweyne ayaa sheegay in Ciidamada Amaanka ay Gacannta ku dhigeen Askarigii Gacan ku dhiiglaha ahaa ee Dilka u geeystay Ganacsadaha.
Taliyaha ayaa sheegay in Maxkamad Milatari la saari doono Askariga Dilka u geeystay Ganacsadaha.
HOOS KA DHAGEYSO WARBIXIN: