Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo xeeb ayaa sheegaya in Maanta Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa uu ku wajahan yahay Magaalada Dhuusamareeb oo ay dhawaan la wareegeen Garab kamid ah Ahkusunna.
Saraakiil ka tirsan Ahlusunna ayaa noo Xaqiijiyay in Wasiirka Arrimaha Guaha uu tagi doono Magaalada Dhuusamareeb s uu wada hadal ula yeehso Maamulka Ahlusunna.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa Todobaadkii hore la wareegay Garab kamid ah Maamulka Ahlusunna ee Gobolada dhexe Dalka Soomaaliya,waxaana Ahlusunna ay sheegtay in ay wada hadal la galeeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan Wafdi uu hogaaminayo Wasiirkii hore ee Soomaaliya C/samad Macalin Maxamuud oo halkaa u tagay in Xal laga gaaro Dagaalka u dhexeeya Ahlusunna iyo Dowladda Dhexe.
La soco faah faahinta.