Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Max’ed Xaaji Xuseen ayaa sheegay in Maamulkoodu uusan hor istaagin Shirka ka soconaya Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb laakiin aysan iyagu hor istaagin sii socoshada Shirka ka socda Degmada Cadaado.
Wasiirku waxaa uu sheegay in muranka la xiriira Caasimadda ay tahay in loo daayo Dadka dega Gobolada dhexe laakiin aanay ahayn in kor looga keeno.
Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa lagu eedeeyay in ay iyaga Caqabad ku yihiin in Shirka Cadaado uu sii socdo kaas oo haklad ku jira hadda.
Ergada Shirka qaarkood ayaa ku dhaliilaya Ximan iyo Xeeb oo la siiyay marti galinta Shirka in ay haddana isla iyagii hor istaagaan sii socoshada Shirkaasi.
HOOS KA DHAGEYSO: