TOP DHAGEYSO:- Madaxweyne Xasan Sheikh Oo Xalay Shir Jaraa’id Qabtay+Arimo Xasaasi Ahna Ka Hadlay.

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shir jiraa’id uu xafiiskiisa ku qabtay ayaa waxa uu kaga hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira xaaladda dalka oo ay u badanyihiin horumarka dalkeena hooyo uu ku tilaabsanayo iyo halka la hiigsanayo.

Xasan Xasan Sheekh Madaxweynaha Oo shirka jiraa’id ku soo hadal qaaday xaaladaha amniga dalka, ayaa waxa uu sheegay in horumar badan laga sameeyay haddana amniga meel wanaagsan uu marayo, waxaana uu ku micneeyay qorshaha isku dhafka ciidamada in uu yahay mid muhiim u ah dalka uuna horseedi doono qorshahaasi horumar.

Madaxweynaha oo si faah faahsan kaga hadlayay xaaladda dalka ayaa dhanka siyaasada waxa uu ka yiri “warar dadka ay isla dhexmarayaan oo ah in xukuumadda lakala dirayo ayaa jira taasi maaha mid sax oo wax walbo wanaagaa halaga eego warxumo tashiilka hala joojiyo xukuuamdda way jirtaa wayna jireysaa, way dhici kartaa wasiirkii xilkiisa gudan waayo in xilka laga qaado oo mid xilka ka soo bixi kara lagu badalo”

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay dhanka dhaqaalaha ayaa cadeeyay in dhaqaalaha uu kobcay, waxaana uu xusay in aysan jirin miisaaniyad dhaqaale oo ay dowladu ka hesho beesha caalamka.

“Dowladu waxay ku dadaaleysaa tayeynta shilinka Soomaaliya oo qiimihiisu dhacayo, waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay nagala shaqeeyaan soo celinta qiimaha shilinka Soomaaliga iyo tayeyntiisa”

HOOS KA DHAGEYSO SHIRKIISA JARAA’ID.