DHAGEYSO:- Kawaanka Kalluunka Deg. C/casiis oo Xarigga laga jaray Dayactir Keddib.

0

Kawaanka Kalluunka Degmada Cabdi Casiis ee Muqdisho ayaa Maanta xarigga laga jaray keddib Dayactir ay ku Sameysay, Hey’adda DRC.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa Xarigga ka jaray Kawaanka, waxaana sidoo kale joogay Agaasime ka tirsan Wasaaradda Kalluumeysiga.

Kawaanka ayaa waxaa uu Muddo ahaa mid burbursan, waxaana DRC oo Maamulka Degmada Cabdi Casiis Kaashaneysa ay Dayactirtay muddo dheer keddib.

Xasan Maxamed Rooble, Guddoomiyaha Guddiga Iskaashatada Kalluumeysatada Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay tahay wax muhiim ah, wax badana ay ka bedeli doonto habka kalluumeysiga Muqdisho.

Kawaanka ayaa Waxaa ay Laba Hey’adood oo kala ah, ICRC ayaa siisay Kawaanka 25 Bokisyada Barafka Kalluunka lagula shubto ah, kaasoo Kalluunka Muddo ka ilaalinaya in uu Hallaabo, waxaa sidoo kale lagu Wareejiyey Maamulka 10 Talaagadood oo kuwa waaweyn ee Kalluunka lagu Xareeyo.

HOOS KA DHAGEYSO: