SAWIRRO:- Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Gaaray Cadaado.

0

Wefdiga wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” ayaa waxaa qayb ka ahaa xildhibaano ka tirsan Baarlamanka, waxaana garoonka diyaaradaha Cadaado ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin kala duwan.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa munaasbad soo dhawayn ah loogu sameeyay Cadaado, taas oo ay ka qayb galeen ergada shirwaynaha, gudiga farsamada,  wasiir dawlada madaxtooyada mudane Mahad Salaad, mas’uuliyiin ka tirsan Ximan iyo Xeeb,  iyo marti sharaf kale.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim gudoomiyaha gudiga farsamada ayaa ugu horayn ka hadashay munaasabadaas, iyadoo sheegtay in hawlo badan u qabsoomeen gudiga, inta hartayna ay rajeynayaan in si hufan ay u qabtaan.

Madaxwaynaha Ximan iyo Xeeb C/llahi Cali Maxamed “Baarleex” ayaa isna sheegay in ka maamul ahaan ay xil wayn iska saarayaan amniga deegaanka iyo sidii shirkan ku guulaysan lahaa.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” ayaa sheegay in socdaalkiisu la xiriiro fududaynta howlaha Ergada iyo xulista xubnaha Baarlamanka maamulkan uu yeelanayo.DSC04879 DSC04891 DSC04895 DSC04896 DSC04911 DSC04918 DSC048881