Barcelona oo ku guuleystay Koobka Champions League, markii ay 3-1 ku garaacday Juventus (Sawirro)

0

Kooxda Barcelona ayaa ku guuleysatay markii shanaad Koobka Champions League, kadib ciyaartii Final-ka aheyd ee ay isaga hor-yimaadeen Kooxda Juventus ay ku badisay 3-1.

Ciyaartan oo caalamka oo dhan si gaar ah isha loogu haayay, ayaa Barcelona waxay markii afaraad ee Koobkan ku guuleysatay muddo 10-sano gudahood, tan iyo sanadkii 2006-dii.

Ka hor inta aanay ciyaarta bilaabin ayaa waxaa garoonka magaalada Berlin ee lagu qabanayay Final-ka lagu soo bandhigayo fantasiyo aad u ballaaran iyo mehrajaan lagu furayay ciyaarta Final-ka.

Ugu horeyn ayaa markii ciyaarta bilaabatay ayaa Barcelona ay gool ku hormartay daqiiqadii 4aad, waxaana u dhaliyay Ivan Rakitic, kadib markii uu baas ka helay Andres Iniesta.

Barcelona ayaa wixii markaas ka dambeeyay hogaanka qabatay, iyadoo maamulka ciyaartana la wareegtay, goolhayaha Juventus ayaa dhowr jeer kubado halis ahaa bad baadinayay.

Qeybtii koowaad ayaa waxaa lagu kala nastay 1-0 oo ay ku hogaamineysay Barcelona, waxaana markii qeybtii labaad la isku soo laabtay, waxaa Juventus ay la soo baxday dar dar xoog leh, iyagoo ciyaartoydooda abuuray fursado.

Juventus ayaa goolka bar baraha la timid daqiiqadii 55aad ee qeybtii labaad, kadib markii uu kubad uu soo tufay Goolhayaha Barcelona Ter Stegen uu ka faa’ideystay ciyaaryahan Alvaro Morata, sidaasna uu shabaqa ku hubsaday.

Ciyaartoyda Juventus ayaa fursado qaali ahaa helay, waxaana mid ka mid ah uu ahaa kubad uu Tevez iska qasaariyay, sidoo kale Pogba ayaa ku dooday rigoore, markii kubad uu lugta la helay, uu si aayar ah u jiiday Dani Alves xeerada ganaaxa dhexdeeda.

Luis Suarez ayaa Barcelona u dhaliyay goolkii labaad, kadib markii kubad uu soo tuuray Messi ayaa goolhaye Buffon inta uu bad baaday ka fara baxsatay, dabadeedna uu Suarez shabaqa ku hubsaday.

Daqiiqadii 72 aad ayay ciyaartu u muuqatay inay soo dhamaatay oo ay Barcelona heshay goolkii saddexaad kadib markii uu Neymar gool u dhaliyay, laakiin dabaal dega goolka ayaa la soo gaabiyay, kadib markii calan waduhu tilaamay inay Neymar uu kubbada gacanta ku taabtay go’aankaas oo ahaa mid sax ah oo uu Neymar kubadda gacanta ku taabtay, ka hor inta aysan shabaqa gelin.

Barcelona ayaana mar walba qal qal ku aheyd goolka Juventus, waxaana la saadaalinayay in weerar rogaal celis ay goolal ku dhaliso, marka loo eego sida Juventus ay goolka bar baraha u raadinayeen, laakiin Juventus ayaa dhowr jeer ka bad baadiyay fursadaha weerarka rogaal celiska ahaa ee Barcelona ay helayeen.

Dhamaadkii 90-kii daqiiqo ee daqiiqadihii dheeraadka lagu daray ciyaarta ayaa Neymar waxaa uu dhaliyay goolkaad saddexaad oo uu natiijada ciyaarta ku soo afjaray, waxaana ay ku soo dhamaatay 3-1 oo ay ku quusatay Juventus.

Barcelona ayaana koobkan u ahaa markeedii shanaad ee ay ku guuleysato, waxaana Tababaraha Barca Luis Enrique uu kooxdiisa xilli ciyaareedkii u horeeyay kula guuleystay saddex koob, isagoo rikoorkaas ka bar bareeyay Tababarihii hore ee Barcelona Pep Guardiola.

barca-win (1)barca-win (2)barca-win (3)barca-win (4)barca-win (5)barca-win (6)barca-win (7)barca-win (8)barca-win (9)barca-win (10)barca-win (11)barca-win (12)barca-win (13)barca-win (14)barca-win (15)barca-win (16)