MAQAAL: Sow lama gaarin xiligii fatwo laga soo saari lahaa Dowlada Federaalka iyo Maamul Goboleedya dalka ka jira?.

0

Inta aanan u gelin qormadeena, aan marka hore u mahadceliyo dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo, oo runtii si geesinimo leh uga hortagay dulaankii dhul-boobka ahaa ee ay soo qaaday dowladda Kenya ee cadowga ah, Waxaana leeyahay dadweynaha reer Balad Xaawo halkiina ka sii wada difaaca dhulka hooyo xitta hadii ay ku dhimaneyso kumanaan Soomaaaliyeed, maxaa yeelay ma jiro wax ka muhiimsan inaan dhulkeena ka difaacanno cadowgan horarka ah.

Hadaan u soo laabto qormadeena, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada ka jira dalka, ayaa gabiahaanba dayacay masuuliyaadkii loo igmaday sida difaacidda dalka iyo dadka Soomaaliyeed gaar ahaan marka uu cadow ku soo duulo dalka, Ismarkaana uu cadowgaasi laayo dad Soomaaliyeed. Taasna waxaa daliil u ah sida looga aamusay xasuuqii ay ciidamada Itoobiya u geysteen dad Soomaali oo xoolo dhaqato ah, kuwaas oo ku dhaqnaa labada daan ee xuduud beenaadda ku beegan gobolada Galgaduud iyo Hiiraan halkaasi oo lagu laayey dad badan oo ay ku jiraan dumar iyo caruur.

Sida aan kor ku soo xuseyba Dowladda Federaalka iyo Maamulada ka garab dhisan, Ayaa gebi ahaanba dayacay dhammaan masuuliyadihii ka saarnaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed, ka dib markii ay wax ka qaban wayeen duulaanada dhul-boobka ee ay Kenya waayadanba wadday. Tusaaale ahaan, todobaadkii na soo dhaafay waxaa duulaan dhul-balaarsi ah soo qaaday dowladda Kenya, Iyadoo gudaha u soo gashay dhulka Soomaaliya, Islamarkaana ay burburin ku bilowday xaafado ku yaalay magaalada Balad Xaawo, inkastoo markii danbe ay joojisay ka dib markii ay iskacaabin ballaaran kala kulantay dadweynaha ku dhaqan degmadaasi iyo waliba ciidamada ku sugan deegaankaasi.

Siihayaha Gudoomiyaha degmada Balad Xaawo iyo waliba Madaxa Arimaha Bulshada ee degmadaasi Cabdiqaadir Xuseen Ibrahim, Ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada Kenya ay gudaha u soo galeen dalka Soomaaliya, si ay ula wareegaan dhul hor leh oo dhaca xuduud beenaadda u dhaxeysa magaalooyinka Balad Xaawo iyo Mandheere, si ay halkaasi uga dhisaan darbi ay sheegeen in ay uga hortagayaan weerarada uga imaado Xarakada Al-shabab. Masuuliyiintan, ayaa sidoo kale sheegay in Kenya xitta ay soo gudubtay xuduuddii la isla ogolaa iyo waliba dhulkii loo yaqiinay No Man’s Land ee u dhaxeeyey labada magaalo.

Duulaankan cusub ee dhul-balaarsiga, ayaa imaanayo xilli ay Kenya horay ula wareegtay qeybo ka mid ah dhul-badeedka Soomaaliya, gaar ahaan halka ay iska galaan badda labada dal. Kenya, ayaad moodda in ay aad u deg degeyso, Islamarkaana ay ku cayaareyso dhimbilo dab ah oo aysan garaneynin natiijada ka dhalanta kara dhimbilahaasi ay ku cayaareyso inkasta oo aad mooddo in ay isku halayneyso kooxo Soomaali oo dabadhilifyo u ah Iyada sida kuwa horbooda gobolka NFD oo kale.

Waxaa sida Kenya oo kale Iyana duulaan soo qaaday ciidamada Itoobiya ee cadowga ah, Iyagoo markaan isticmaalayo ciidamo Soomaali ah oo ay u bixiyeen Liyuu Boolis, balse aan wax badan ka duwaneyn ciidamada kale ee Itoobiya sida kuwa ku jooga magaca AMISOM oo kale. Ciidamadan Itoobiyaanka, ayaa waxa ay laayeen boqolaal Shacab Soomaaliyeed oo u badan dad xoolo dhaqato ah, halka ay sidoo kalena baabi’iyeen hanti fara badan. Ciidamadan, ayaa sidoo kale calanka Itoobiya ka taagay meel u jirta magaalada Baladweyne kudhawaad 20 Kiloomitir oo gudaha Soomaaliya ah !

Sida ay Warbaahinta u cadeeyeen Mamulada ka jira gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, Waxa ay ciidamadan Itoobiyaanka ah wali sii wadaan dilka iyo barakicinta ay ku hayaan Shacabkan masaakiint ah. Taas oo runtii ku tusineysa in ay sheekadan tahay sheeko ay isla og yihiin dowladda Federaalka ee Itoobiya iyo waliba maamulka Dabaqoodhiga ah ee ugu magacaaban Soomaali Galbeed, waayo haddii aysan arintan raali ka ahayn Dowladda Dhexe ee Adis Ababa maalin ma dhaafteen waana sida ay ku doodayaan dad badan oo la socda siyaasadda Itoobiya.

Marka aad si fiican u fiiriso waxyaabahan maanta dhacayo, Waxaa runtii kuu soo baxaysa in ay jirto sheeko ay isla wadaan dowladaha Itoobiya iyo Kenya. Kuwaas oo aad mooddo in ay natijaabinayaan si ay u ogaadaan inaan bislaanay si ay markaasi noo kala qeybsadaan. Tusaale ahaan, maxaa isku soo beegay labadan duulaan ee dhul boobka ah ? Jawaabtu waa iska caddahay waayo waxa ay u arkaan in la gaaray xiligii ay kala qeybsan lahaayeen dalkan baylahda ah.

Arimahan oo dhan ayaa dhacayo xilli ay arintaasi ka aamusan yihin raggii ugu sarsareeyey dalka sida Madaxweyne Xasan Sheekh, Jawaari, Cumar Cabdirashiid, Siilaanyo, Cabdiwali Gaas, Shariif Xasan iyo waliba ninkii wadaadka salafiga ahaan jiray ee Axmed Madoobe, Taasna oo runtii ku tusineysa warkii la sheegi jiray ee ahaa in nimankani ay keensadeen dowladaha Itoobiya iyo Kenya, Islamarkaana ay meesaha u joogaan Iyaga. Tusaale ahaan, waa maxay waxa ka muhiimsan midnimada dhuleed ee dalka ? Maxase ku qasbi kara in ay ka hadli waayaan duulaanadan la soo qaaday mise Iyagaaba raali ka ah in dalkan la qabsado ?

Midda kale, Sow ma ahayn in uu Madaxweynuhu (xasan sheikh) si shaqsiyan uga hadlo arintan culeyska badan, oo uu waliba si adag ula hadlo dowladaha Itoobiya iyo Kenya ? Haddii uu Isagu ka gaabiyey arintan muxuu uga hadli waayey Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo waliba Ra’isulwasaraha ? Haddii ay Iyagana ka gaabiyeen howshan maxa ku dhacay Maamul Goboleedyadii ? Mise wuxu Iyagaaba raali ka ah waxa socda? Tan kale, waa la dhaartaye yaa loo dhaartay ma Shacabka Soomaaliyeed mise Shucuubta Itoobiya iyo Kenya ? Sowse ma oga in ay qiyaamo qaran tahay in laga gaabiyo ama la qaban waayo waajibaadkii shaqo ee loo dhaartay ? Anigu runtii ma fahmin meeshan waxa ka socda.

Tan kale, maxay marwalba u soo boodaan oo ay afka u furtaan marka wax la yeelo Kenyaatiga iyo Itoobiyaanka oo aysan uga hadlin marka ay dhibaato soo gaarto dad Soomaaliyeed. Tusaale ahaan, yaa arkay Siilaanyo oo ka hadlayo dhibaatada ay Itoobiyaanka iyo Kenyaatiguba u geystaan Shacabka Soomaaliyeed ? Yaa maqlay Cabdiwali Gaas iyo Axmed Madoobe oo ka hadlayo dhibaatooyinka ay geysanayaan dowladahan cadowga ah ? Yaa arkay Xasan Sheekh oo si raganimo leh ugu jawaabayo Itoobiya ama Kenya ? Sow ma oga in ay Ilaahay hortagayaan oo la xisaabin doono ? Dhaartii idin qabatay.

Dalalka Xorta ah marka lagu soo duulo ciiddooda ama la dhibaateeyo muwaadiniintooda, Waxa ay ku dhawaaqaan xaalad deg deg ah. Tusaale ahaan, haddii dal laga qabsado taako ka mid ah dhulkiisa, Waxa uu dalkaasi iclaamiyaa dagaal ka dhan dalkii ku soo duulay halka uu dhinaca kale uu dalkaasi ka dacweeyo Ururada Caalamiga ah sida Qaramada Midoobay oo kale, Waayo ma jirto wax ka muhiimsan midnimada dhuleed ee dal. Tusaale ahaan, maxaa dhacayo haddii ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ay qabsadaan magaalada Mandheera ee dariska la ah Balad Xaawo ? ama ay qabsadaan degmada Suufta oo waliba ah dhul Soomaalieed oo xoog lagu haysto ?

Mar haddii Madaxdan iyo maamuladooduba ay ka gaabiyeen waajibaadkii ka saarnaa difaacidda dalka iyo dadka Soomaaliyeed, Sidoo kalena aysan dalka ka jirin Hay’ado dowladeed oo la xisaabtama, Islamarkaana ku qaado qiyaamo qaran. Hadaba sow ma’ahan in Fatwo sharciyeed laga soo saaro dhamaan Maamuladan ka jira dalka oo ay ugu horeyso Dowladdan fadhiidka ah ee Madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh, si dalka iyo dadkaba loo badbaadiyo ? Tusaale ahaan, ma waxaan sugeynaa inta dalkan laga qabsanayo oo dadkiisana la laynayo mise ?

Markaan hadalka soo uruuriyo Madaxda hogaamisa Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyaduba dhamaantood, Waxa ay ku dhaceen khiyaamo qaran, Waayo waa marka hore waxa ay gudan waayeen waajibaadkii loo dhaariyey sida difaacidda dalka. Waa marka xige, Waxay ay sababeen in la qabsado qeybo ka mid ah dhulkeena. Waa marka sedexaade, Waxa ay ogolaadeen in dalka ay soo galaan dowlado cadow ku ah dadka Soomaaliyeed, islamarkaana horay u haystay dhul Soomaliyeed. Dhamaan arimaha aan soo sheegay waa danbiyo waa weyn oo qofka galaa aanu sii wadi Karin xil qaran.

Ugu danbeyn, Waxaa ugu baaqayaa Culimada Soomaliyeed ee taageersan Dowladda Federaalka iyo Maamulada ka garab dhisanba, in ay soo saaraan Fatwo Diini oo ku qasbeysa Maamuladan in ay la yimaadaan isbadal deg deg oo ka turjumayo danaha dadka Soomaaliyeed iyo waliba halka ay tiigsanayaan. Haddii ay muddo gaaban gudahooda la imaan wayaan xal lagu qanco in ay markaasi dadka Soomaaliyeed u fatwoodaan in la iska qabto dhamaan Maamuladani iyo kuwa horboodaba sidii Qadaafi iyo Mubaarakba laga isaga qabtay, Waayo sidan waxba kuma socon karaan, dalkiina wuu ku gacan galayaa.

Gunaanudkii, Waxa aan mar kale leeyahay Culimada Soomaliyeed ee ay ka midka yihiin Sheekh Maxamed Idiris, Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cumar, Sheekh Cali Warsame, Sheekh Maxamed Cabdi Umal, Sheekh Shible, Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil, Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Sheekh Nuur Baarud, Sheekh Daahir Aw Cabdi, Sheekh Axmed Cabdisamed iyo Culimada Kaleba in ay dalkan badbaadiyaan oo ay soo saaraan Fatwo la hadleysa Fashiliintan shisheeyaha u shaqeeya ee korsiga ku waashay si Umaddan loo badbaadiyo.

W/Q: Cabdulaahi Ibrahim
Abdull2006@hotmail.com